Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa waxaa uu munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1444-ka (Hijiriyada) awgii waxaa uu Hambalyo Bogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaan shucuubta islaamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay Joogaanba.
“Waxaa sharaf ii ah aniga oo ku hadlaya magacayga, magaca xildhibaannada iyo Shacab weynaha Soomaaliyeed in aan idiinla wadaago hambalyo ku aaddan curashada sanadka cusub ee Hijriga, oo ina xusuusinaysa, hijradii NNKH, isagoo ka haajiray maka una hijrooday oo tagay Madiina wuxuuna ka hijrooday dhibaatadii gaaladii reer Qureysh oo damacsanaa in ay dhibaateeyaan Rasuulkeena, hase ahaatee Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa wuu ka indhatiray oo wuu ka badbaadiyay dhagar kasta oo ay la damacsanaayeen nebigeenii muxamdd nabadgalyo iyo naxariisi kolkeena ha ahaatee”.
Sidoo kalena gudoomiyuhu waxaa uu hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dunida ku nool, isagoo ka tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan maanta oo Jimce ah, taariikhda Milaadiga ahina tahay 29/07/2022″
Ugu dambayn Guddoomiyaha ayaa guud ahaan Islaamka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa uu u rajaynayaa in sannadkan cusub uu noqdo barwaaqo iyo horumar waxaana uu ummadda Soomaaliyeed Alle ugu baryay in uu ka dulqaado Abaarta iyo dhibaatooyinka Amni ee dalka ka jirta.
DHAMMAAD