Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maanta rasaas uu furay askari katirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya uu ku dhintay Wiil Dhalinyaro ahaa oo kamid ah dadka kunool degmadaas.
Wiilka dhintay oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Xuseen Duraan ayaa ahaa arday dhigta iskuulka Ugaas Nuur ee degmada Matabaan, wuxuuna u geriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaas uga dhacay qeybaha kore ee jirkiisa.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ardayga xilliga ay rasaasta ku dhaceeysay uu isku diyaarinayay in uu aado Xaflad ka socotay Iskuulka uu dhigto, hayeeshee dhibaatadaas ay qabsatay.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen askarigii furay rasaastii uu ku geeriyooday Wiilka Ardayga ahaa, waxaana ehellada Wiilka yar ay dalbadeen inay cadaalad u helaan dilka Wiilkooda.