Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Mudane Jaamac Taqal ayaa kulan hordhac ah la qaatay hawl-wadeenada Waaxda saadaasha iyo Cabirka Wabiyada oo soo bandhigay qaab dhismeedka waaxda iyo doorka muhiimka ah ee bixinta adeega Hydromet ee wax ku oolka ah isla markaana wax ka tari kara Soomaaliya guud ahaan kobaca dhaqaale iyo himilooyinka laga leeyahay in laga gaaro horumar waara arrimaha Biyaha.