Home Afsomali Raila Odinga Oo La Filayo Inuu 7 Maalin Gudahood Dacwad Ku Gudbiyo

Raila Odinga Oo La Filayo Inuu 7 Maalin Gudahood Dacwad Ku Gudbiyo

 

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha, haddaba maxaa la gudboon isbaheysiga uu hoggaamiyo Raila Odinga.

Raila Odinga ilaa iyo hadda kama uusan hadlin natiijada doorashada. Laakiinse Martha Karua oo ah ku xigeenka isbaheysiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ku sheegeyso, ‘Arrinta ma dhammaan ilaa iyo ka dhammaato’

Ma hubno waxa ay ugala jeeddo qoraalkan balse dad badan waxay u arkaan in isbaheysiga Azimio ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ay ugu dambeyn Isniinta maxkamad geyn doonaan dacwad ka dhan ah natiijada ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Sida uu dhigayo sharciga Kenya, musharraxa madaxweyne ee doodda ka qabo doorashada waa in muddo toddobo maalmood gudahooda uu dacwad ugu gudbiyaa maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.