Home Afsomali Meydka Masuul katirsanaa guddiga Doorashada dalka Kenya oo la helay

Meydka Masuul katirsanaa guddiga Doorashada dalka Kenya oo la helay

Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaacisay in khamiistii lasoo dhaafay la waayay masuul katirsanaa guddiga doorashada dalka Kenya, xilli ay socotay tirinta codadkii la kala helay doorashadii uu ku guuleestay Madaxweyne William Ruto.

Daniel Mbolu, oo madax ka ahaa xarun cod bixin oo kutaalla magaalada Nairobi ayaa qoyskiisa shaaciyeen in la waayay, waxaana booliiska Kenya iyo eheladiisaba ku jireen baadigoobka sargaalkan.

Sida ay baahiyeen maanta warbaahinta dalka Kenya meydka ninkan katirsanaa guddiga doorashada Kenya ayaa laga helay keynta kutaalla meel ku dhaw buurta Kaliminjaro una dhaw  xadka ay wadaagaan Kenya iyo Tanzaaniya.

Meydka waxaa arkay oo booliiska ku wargaliyay dad xoolo dhaqato ah, waxa uuna qoray wargeyska The Daily Nation in meydka masuulkan katirsanaa guddiga doorashada jirkiisa ka muuqdeen nabaro iyo jirdil loo geestay.

Masuulkan meydkiisa la helay ayaa la weesanaa maalmhii lasoo dhaafay, guddiga doorashada ayaana horey u shaaciyay in nolol iyo geeri aan lagu heyn Mr Mbolu, waxaana warka naxtinta leh ee ninkan imaanayaa xilli natiijada doorashada lagu dhawaaqay.

https://youtu.be/kbnVsX7hHAs

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.