Home Afsomali Maamulka Koonfur Galbeed oo wafdi u diray degmada Diinsoor

Maamulka Koonfur Galbeed oo wafdi u diray degmada Diinsoor

 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo wado Safar u kuuragelida xaaladda Amni ee Degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa Saaka u socdaalay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Ujeedka socdaalka Wafdiga Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed & Wafdiga uu Hogaaminayo ayaa ah Diiwan gelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, Xoojinta ka shaqaynta Amniga Degmada iyo u diyaar garowga howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Safarka Wasiirka Waxaa ku wehlinayo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada,Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo Taliyaha Ciidanka Darawiishta Koonfur Galbeed.

Dhawaan sidaan oo kale wafdiga waxaa ay tageen degmada Bardaale ee Gobolka Baay, iyaga oo halkaasi ku diiwaangeliyay Ciidamada Daraawiishta ee ku sugan degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.