Home Afsomali Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan  ka sameeyay Tuulada Kili-Jiido oo hoostagta degaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in intii uu socday Ciidanka ay ku dileen ku dhawaad 10 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay  dhaawaceen 13 kale.

Sidoo kale wuxuu sheegay in  Ciidanka xoogga ay ka furteen saanad Ciidan Al-Shabaab ayna burrburiyeen goobihii ay ku sugnaayeen oo ay ku dhibaateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa xusay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo, Isla marlaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga saarayo dalka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.