Home Afsomali Maxweyne Faramaajo oo ku dhawaaqay in uu raiisal wasaare u magaaabay ...

Maxweyne Faramaajo oo ku dhawaaqay in uu raiisal wasaare u magaaabay Xasan Cali Kheyre

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa Ra’isulwasaaraha dowladda Soomaliya u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Mudane, Xasan ayaa waxaa uu sanado badan uu kasoo shaqeynayay bani’aadanimadda iyo dhinaca ganacsiga, waxaana uu yahay nin dhalinyara ah oo ku noolaa dalka Norway. Dhinaca kale waxaa uu mudo sanado ah uu lasoo shaqeynayay hey’adda NRC ee dalka Norway laga leeyahay.

Xasan Kheyre, waxaa mudooyinkii dambe uu ku noolaa dalka Ingiriis-ka, waxaana uu madax ka ahaa hey’adda Soma Oil and Gas.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saaka u duulay dalka Sucuudiga, waana safarkii ugu horeeyay ee uu dibada ku aado tan iyo markii la doortay.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.