Home Afsomali Dhibaatada Maandooriyaha ee Muqdisho iyo hadalheyntii qabsatay TikTok

Dhibaatada Maandooriyaha ee Muqdisho iyo hadalheyntii qabsatay TikTok

Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay dhibaatada sii xoogaysanaysa ee uu maandooriyaha ku hayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasoo dhallinyaro iyo dad da’ dhexaad ahba ay ku isticmaalaan.

Mas’uuliyiinta maamulka magaalada ayaa isla xiriiriyay falalka amni darrada iyo maandooriyaha oo kusii xoogeysanaya caasimadda Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Mire Axmed Mataan oo ah taloyaha Hoggaanka Diinta iyo Dhaqanka ee Booliska Soomaaliya BBC-da u sheegay in arrintan caqabad wayn tahay

Isticmaalka maandooriyaha aad iyo aad ayuu ugu badanayaa waqtigan xaadirka ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, dhallinta isticmaashana maalinba maalinta ka dambaysa way sii kordhaan, waana dhibaato run ahaantii aad iyo aad bulshada dhib ugu haysa,” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay sii bateen noocyada maandooriyaha ee ay isticmaalaan dhallinyarada Muqdisho, kuwaasoo sabab u noqda falal amni darro.

“Dhallinyaradu waxay istcimaalaan kuwo dabiici ah, sida xashiishka, kuwo la sameeyo, oo ah calaqa, daawooyin kala duwan, sida kaniini, cirbad la isdurayo ama sharoobo.

“Waxyaabaha kale ee ay isticmaalaan waxaa ka mid ah geed jinka, oo mirihiisa ay ka samaystaan maandooriyaha iyo xayawaanka yaryar ee la yiraahdo Jiraca.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.