Home Afsomali Xukun lagu riday dad loo heysto qarixii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur...

Xukun lagu riday dad loo heysto qarixii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday laba Rag ah iyo Haweeneey, kuwaas oo loo heysto inay diyaariyeen qarixii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed ibraahim lugbuur & Wiilkiisa, kaas oo 29-kii Bishii July lagula beegsaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in qaraxa lagu dilay Wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed & Wiilkiisa uu abuubulkiisa lahaa Maxamed Meeris Ibraahim oo maqane ah kana mid ahaa ragii ka baxsaday Xabsiga Magaalada Boosaaso xilligii ay weerareen Al-Shabaab.

Ibraahim Meeris Ibraahim ayaa Xeer ilaalinta ay sheegtay in uu ahaa fuliyaha qaraxa, isla markaana ay ehelo dhow ahaayeen wasiirka oo dhowr mar uu ka soo bedbaaday markii ay xireen Hay’adaha Amniga, isaga oo qaraxa miino ugu aasay wadadii uu Wasiirka soo mari jiray xilliga uu u socdo masaajidka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Ibraahim Meeris Ibraahim & maqane Maxamed Meeris Ibraahim oo wada dhashay lagu xukumay dil toogasho halka Falastiin Aadan Shuceyb lagu riday xukun ah 15 sano oo Xabsi ah.

Previous articleDhibaatada Maandooriyaha ee Muqdisho iyo hadalheyntii qabsatay TikTok
Next articleCali Guudlaawe Oo Xarigga Ka Jaray Suuq Wayn Oo Laga Hirgaliyay Degmada Matabaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.