Madaxweynaha Jamhuuriyadda dimuqraadiga federaalka Soomaaliya mudane Maxamed ayaa mudane Xassan Cali Kheyre si lama filaan ah ugu magacabay raiisulwasaaraha Somalia.
Shaqadii ugu dambeysay ee Mudane Xassan Kheyre lagu ogaa waxay ahayd Agaasimaha sharikadda Soma Oil & Gas qeybta Afrika.
Hassan Kheyre waa muwaadin soomaaliyeed oo haysta dhalashada dalka Norway. Waxuu dalka Norway qaxootinimo ku tagay sanadkii 1989 gabolka Opland. Mudda yar ka dib waxuu u waeegay Caasimadda dalkaas ee OSLO halkaas oo uu waxbarashiisa ku dhameystay.
Sanadkii 2002 Xassan waxuu noqday Isku-duwaha xafiiska qaxootiga u qaabilsan dalka Norway NRC, xaruntiisa dhxe ee magaalada oslo. snadihii 2011 – 2014 waxuu noqday agaasimaha guud ee NRC gobolka geeska Africa, xaruntiisuna tahay magaalada Nairobi. Hadii si kale loo dhigo xeryaha Dadab.
29. juni 2012 waxuu ka badbaaday xabado lagu furay shaqaalaha NRC oo uu ka mid ahaa, xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo uu ku dhintay mid ka ka mid ah darawaldii, ayna ku dhaawacmeen qaar kale.
Ugu dambeyn Xassan waa uu joojiyay shaqadii qaxootiga waxuuna noqday agaasimaha sharikadda Soma Oil & Gas u qaabilsan geeska Afrika, shaqadan ayaana ah shaqadii ugu dambeysay ee lagu ogaa rasiisul wasaaraha cusub ee Soomaalia mudane Xassan Kheyre.
Soma Oil & Gas waa sharikad shidaal-baaris, mugdi badan ku jiro cidda sida rasmiga ah u leh iyo weliba howsha ay ka hayso geeska Africa.
Qaramada midoobay ayaa Soma Oil & Gas ku eedeysay mausuq-maasuq baahsan. Hassan Kheyre raiisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa masuuliyiinti baaritanka lagu sameeyay. Waxaa kaloo mudane Kheyre xilligaas lagu eedeeyay in uu xiriir la leyahay wax loogu yeeray kooxaha xagjirka ah, hase ahaatee wax cadeyn ah waa loo waayay.
Warqad qoraal ah oo uu Safiirka Norway u fadhiya Qaramada midoobay Geir Pedersen ka helay xafiiska Soomaaliya iyo Eritrea Monitoring Group ayaa Norway lagu weydiistay in ay dabagal ku sameyso canshuur bixinta Xassan Kheyre, bangiyadiisa iyo weliba kaararka deynta lagu qaato laga soo billaabo sanadkii 2013,
Xassan Kheyre aya dhankiisa beeniyay eedaha loo jeediyay waxuuna ku tilmaamay ku tiri-ku teen iyo wax lagu qoslo.[Macluumaadkan waxaa qortay oo aan ka soo xiganay saxaafadda dalka Norway [VG].
Isku soo xooriyoo Xassan Kheyre waa muwaadin haysta laba dhalasho Norway iyo Soomaaliya, sidoo kale waxaa magacaabay madaxweyne Haysta laba dhalasho Soomalaiya iyo USA, sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka ayaa 19 sano ku noolaa dalka Norway.
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0