Home Afsomali Galmudug oo ku dhawaaqday inay ka hortageyso dagaal Beeleedyada soo laab laabtay

Galmudug oo ku dhawaaqday inay ka hortageyso dagaal Beeleedyada soo laab laabtay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac  ( Waayeel) ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degaannada u dhow degmada Cabduwaaq ee Gobolka Galgadud ee u dhaxeeyay labada maleeshiyo Beeleed ay ahaayeen kuwo argagax leh, isla markaana dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka oo Wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Madaxda Galmudug ay ku baxeen dhinacyadii dagaalamay , isla markaana heshiis horudhac ay ka gaareen dagaaladaas, sidoo kalena dhawaan magaalada Dhuusamareeb lagu qabanayo shir lagu dhex-dhexaadinayo labada Beelood.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in colaad beeleedyada kusoo laab laabtay  degaannada Galmudug ay sabab u tahay in tan iyo burburkii dalka ka dhacay uu hubka gacanta u galay dadka Shacabka, balse Maamulka Galmudug uu ku dadaalayo inay ka hortagaan inay dagaallada soo laab laabtaan.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug ku batay dagaal Beeleedyada soo laab laabto, iyada oo madaxda Galmudug ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.