Home Afsomali In ka badan 1 milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya

In ka badan 1 milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya

Colaadaha sokeeye, Abaarta ka dhacday dalka iyo fatahaadaha wabiyada ayaa ku qasbay in ka badan 1 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool inay ka cararaan guryahoodii 130 maalmood gudahood – waana heerka barakaca ugu sarreeya ee dalka.

Tirakoobyada ay diiwaan geliyeen Hay’adaha UNHCR, Hay’adda Qoxootiga Adduunka, iyo Norwegian Refugee Council (NRC), ayaa muujinaya in iskahorimaadku uu ka mid ahaa sababaha ugu waaweyn ee barakaca intii u dhexeysay 1-dii Jannaayo iyo 10-kii May ee sannadkan, halka in ka badan 408,000 oo qof ay ku barakaceen daadad ku soo rogmaday guud ahaan guryahooda. tuulooyinka iyo 312,000 oo qof oo kale ayaa ku barokacay abaar ba’an. Inta badan dadkaasi waxay u qaxeen gobollada Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya iyo Gedo, ee koonfurta Soomaaliya.

“Kuwani waa tirooyinka naxdinta leh ee qaar ka mid ah dadka aadka u nugul oo lagu qasbay inay barakacaan ,” ayuu yiri Agaasimaha NRC ee Soomaaliya Maxamed Cabdi. “Iyadoo 1 milyan oo qof ay horay u barokaceen wax ka yar shan bilood, waxaan ka cabsi qabnaa in kuwo horleh ay barakacaan maadaama dhammaan dhibaatooyinka ay weli kusii kordhayaan Soomaaliya.

Qaar badan oo ka mid ah kuwa lagu qasbay in ay qaxaan ayaa gaaraya magaalooyinka ciriiriga ah iyo goobaha ay horey u martigaliyeen dadka gudaha ku barokacay .

Baahiyaha deg degga ah oo ay dadkaasi qabaan ayaa waxaa kamid ah Adeegyada cuntada, hoyga, iyo ilaalinta oo ay ku jiraan ilaalinta carruurta iyo ka hortagga rabshadaha ku salaysan jinsiga.

“Baahiyaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya waa ay sii kordhayaan, waxaan la shaqeyneynaa hay’adaha samafalka si aan uga jawaabno sida ugu macquulsan, laakiin barokac cusub ayaa kor u kacaya maalinba maalinta ka dambeysa, baahida ayaa ah mid xad dhaaf ah,” ayay tiri wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Magatte Guisse.

In ka badan 3.8 milyan oo qof ayaa hadda ku barokacay Soomaaliya, taasoo uga sii dareysa xaalad bini’aadantinimo oo aad u liidata halkaas oo ilaa 6.7 milyan oo qof ay la halgamayaan sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyahooda cunto. In ka badan nus malyuun caruur Soomaaliyeed ah ayaa waxaa soo food saartay nafaqo darro aad u daran. Hase yeeshee, hay’adaha gargaarku waxay ilaa hadda heleen boqolkiiba 22 keliya ee agabka loo baahan yahay si loo gaarsiiyo gargaarka aadka loogu baahan yahay sannadkan.

“Waxaan ku boorineynaa deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah inay kordhiyaan maalgelinta si ay si wanaagsan u ilaaliyaan kuwa ay u badan tahay inay xamili karaan dhibaatada ugu weyn ee hadda jirta, haddii kale marnaba ma arki doono dhammaadka musiibada bini’aadamka ee soo socota,” ayuu raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.