Home Afsomali Waa maxay cudurka macaanka (Diabetes)?!!

Waa maxay cudurka macaanka (Diabetes)?!!

Waa maxay cudurka macaanka (Diabetes)?!!
Cudurka macaanka ama sokorowga waa cudur leh sababa kala duwan dadka qabaahina ay dhiigoodu ku badantahay sokorta waxaana loo yaqaanaa ‘’hyperglycemia’’.

Cudurka macaanka waxa uu ku imaan karaa :

In jirku uusan helin insulin ‘hormone’ kufilan
Iyo in jirka uu san ka jawaabin insulinta.
Insulin waxaa sameeya xameetiga oo ah xubin kutaala caloosha gadaasheeda , xameetiga waxaa ku jira unugyo ‘‘islets’’ kuwaasi oo sameeya insulinta kadibna ku dara dhiiga si ay u yareeso sokorta badan eek u jirta dhiiga.

Waqti dheer hadii cudurkan uu sii raago waxa uu keeni karaa caqabado ay kamid yihiin: cudurada wadnaha, sida wadnaha oo istaaga, kilyaha oo shaqa gaba, indha la’an dhibaatooyin dhanka ilkaha ah farxd darro iyo dhibatoyin dhanka uurka ah hadii mamada xaamilada ah uu kudhaco sokorta.

Noocyada cudurka macaanka:

Cudurkan waxa uu leeyahay seddex nooc oo kala ah :

Nooca 1aad: waxaa sababa in jirku uusan helin insulin kufilan taas oo katimid burbur kuyimid unugyadi soo saari lahaa waxa uuna inta badan ku dhacaa caruurta iyo dadka da’da yar.
Sababaha ugu badan ee qofka uu kugu dhici karo cudurka waxa ay noqon karaan kuwa dhaxal ah oo kaga yimid waalidkiisa oo horay uqabay cudurka macaanka, sababa la xiriira degaanka sida cunada uu qofku cunayo iyo in burbur uu kuyimado unugyadii soo saari lahaa insulin.

Nooca 2aad: noocan waxaa keena sababa ay kamid yihiin jirka oo ka jawaabin insulin ama in uusan helin insulin ku filan ama unugyada beerka oo aan si wanaagsan u isticmaalin insuinta lasoo saaray.
Nooca 2aad ee cudurka macaanka waxa uu ku dhacaa dadka da’ dhaxaadka ah , dadka duqoobay iyo sidoo kae dadka aadka u cayilan, uma badna in uu ku dhaco dadka yar yar haddii aysan ahayn kuwa ciyilkoodu xad dhaaf yahay.

Sababaha ugu badan ee noocan lala xiriiriyo waxaa kamid ah , cayilka saa ‘idka ah , jimicsi la’aanta , jirka oo insulinta si haboon u adeegsan , iyo beerka oo soo saaro sokor aad u badan taa oo keenta in dhiiga ay sokor badan ka buuxsanto.

Dadka halista ugu jira nooca 2aad:

Da’da 45sano iyo wixii kabadan.
Dadka cayilka xad dhaafka ah.
Dadka aan jimicsiga sameyn.
Dadka cadaadiska dhiigoodu uu ka sareeyo 140/90.
Dadka qaba cudurada wadnaha.
Nooca 3aad: noocan waxa uu ku dhacaa haweenka uurka leh oo kaliya (gestational diabetes) waxaana sababa isbadalo kuyimaada hormonada.
Doorka insulintu ay jirka ku leedahay:

Waxa ay caawisaa murqaha beerka iyo xeerta iyada oo soo nuugta sokorta dhiiga ku jirta si ay hoos ugu dhigto heerka sokorta ee dhiiga.
Waxa ay kicisaa murqaha iyo beerka si ay u keediyaan sokorta dheeraadka ah ee uusan jirku u baahnayn.
Waxa ay yareesaa sokorta uu beerka soo saarayo.
Calaamadaha lagu garto kaadi macaanka:

Oon badan.
Kaadi badan.
Gaajo badan.
Daal badan.
Meelaha dhawaca soo gaaro oo aan dhaqsa reysan.
Araga oo daciifo.
Ma tahay qof la xanuunsan xanunka macaan

Previous articleBoqortooyada Sacuudiga sheegta Xiliga soonku bilaabanayo
Next articleDowlada Talyaaniga oo Soomaaliya ugu deeqday Gaadiid loogu talo galay sugida Amniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.