Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Wasaaradda Aarimaha gudaha ay heyso liiska tirade Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Baarlamaanka, kuwaas oo ay dileen Ururka Al-Shabaab, isaga oo ku sheegay inay gaarayaan ilaa 324 Oday Dhaqameed.
Wasiirka oo Maanta muqdisho kulan kula qaatay qaar kamid ah Odayaasha soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa sheegay in Odayaasha looa baahan yahay in aysan aqbalin in Maalin walba ay dilaan ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi wuxuu sheegay in ajandaha koowaad ee dowladda Soomaaliya u yahay waxkaqabashada dhanka Amniga, balse Odayaasha dhaqanka laa doonayo inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.