Home Afsomali XOG: Musharax Madaxweyne & Xildhibaan bilaabay olole looga horjeedo Ra’iisal wasaaraha...

XOG: Musharax Madaxweyne & Xildhibaan bilaabay olole looga horjeedo Ra’iisal wasaaraha cusub

Caddow Cali Gees oo iskiis olole ugu jiray in loo magacaabo Ra’iisal wasaare
ayaa si weyn uga xumaaday magacaabidda ra’iisal wasaaraha cusub, isagoo si gaara
ugu tegay madaxweyne Farmaajo kana dalbaday inuu xilkan u magacaabo.

Xildhibaan Caddow Cali Gees, Ganacsade ahaana musahrax madaxweyne iyo Ra’iisal
wasaare

Xildhibaankan ka mid ahaa musaharixiintii madaxweynaha, ahna ganacsade weyn
wuxuu lacag ka badan 5 Milyan oo Doolar ku bixiyay ololihii doorashada isagoo
ujeedkiisa ugu weyn ahaa inuu kula dagaalamo dib u doorashada Xasan Sheekh oo ay
isku jufo yihiin, wuxuuna codkiisa ku taageeray Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Arrinta ayaa isbedeshay kadib magacaabidii Xasan Cali Kheyre ee xilka Ra’iisal
wasaaraha, waxaana uu hadda keli ku noqday ololaha diidmada, iyadoo laga soo
xigtay in Ra’iisal wasaare kasta oo Farmaajo soo magacaabo uu ka hortegi doono
ilaa madaxweyne kale la doorto.

Dad badan ayaa u arka Ganacsade iyo xildhibaan Caddow Cali Gees inuu ku fashilmi
doono ololihiisa xil raadiska ah.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.