Home Afsomali Madaxweyne Biden Oo Ruushka U Diray Digniin La Xiriirta Dagaalka Ka Socda...

Madaxweyne Biden Oo Ruushka U Diray Digniin La Xiriirta Dagaalka Ka Socda Ukraine

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa uga digay Ruushka in dagaalka Ukraine uusan u isticmaalin hubka kiimikada ah ee wax gumaada ee Niyukliyeerka.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay shabakadda wararja ee CBS News, Biden, ayaa wuxuu sheegay in tallaabadan oo kale “ay bedeli doonto wejiga dagaalka, si ka duwan sidii hore, tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka”.

Ma uusan sheegin jawaabta uu Mareykanku ka bixin doono adeegsiga hubkan.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa heegan galiyay ciidamada Nukliyeerka ee dalkaasi, kadib duulaankii ay ku qaadeen dalka Ukraine bishii February ee ina dhaaftay.

Wuxuu u sheegay madaxda difaaca inay sababtu tahay “hadallada gardarada ah” ee ka imanaya dhanka iyo dalalka Reer Galbeedka.

Hubka Nukliyeerka, ayaa waxa haystaan dalalka ku yaalla dunida ku dhawaad ​​sideetan sano, iyadoo wadamo badan ay u arkaan mid gaashaan u ahdammaanad qaadka amnigooda qaranka.

Ruushka ayaa waxa lagu qiyaasaa inuu haysto ilaa 5,977 oo madaxyo nukliyeer ah, sida ay qabaan ururka saynisyahanada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.