Home Afsomali QM oo cambaareysay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne

QM oo cambaareysay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu  cambaareeyay weerarradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay geysteen Al-Shabaab, isla markaana sababay dhimashada dad badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Wuxuu tacsi u dirayaa qoysaska/ehellada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeynayaa kuwa dhaawacmay.

Xoghayaha Guud wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si dadka iyo Dowladda Soomaaliya loogu taageeraan waddada ay u marayaan Soomaaliya oo nabad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.