Xilli dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay in badan oo kamida gobolada dalka ay kasocdeen dagaalo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo ay wadeen Ciidamada dowladda & dadka deegaank ayaa Xukuumadda Soomaaliya ay dhalinyarada ka dalbatay ka qeyb galka dagaallada.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay inay qeyb ka noqdaan kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in qaar kamid ah dalalka Carbeed xornimada ay heystaan ay qeyb ka keeneen dhalinyaradooda, taas bedelkeena ay muhiim tahay in la arko doorka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ku aadan sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii adeegyo bulsho loo gaar siin lahaa degaannada laga saaray Al-Shabaab.