Home Afsomali Burcad Koonfur Afrikan ah oo boobay Dukaamo ay Soomaali leeyihiin.

Burcad Koonfur Afrikan ah oo boobay Dukaamo ay Soomaali leeyihiin.

Kooxo Madow Koonfur Afrikan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerareen Goobo Ganacsi oo muwaadiniin Soomaaliyeed ku leeyihiin degmada Motherwell ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Goobta la weeraray ayaa Burcadda waxaa ay ku dhaawaceen Muwadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Maxamed Maxmuud Cabdi Deyle balse loo yaqaano (Magnad), waxaana haatan dhaawaciisa la geeyay cisbitaalka Livingston si loo daaweeyo.

Ciidama ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dhaawacay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa bilaabay howlgal ay ku baadi goobayaan burcada dhaca iyo dhaawac u geeystay muwaadinka Soomaaliyeed balse aysan ku guuleysan inay soo qabtaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah looga dhibaateeyaa Soomaalida, iyada oo loo geysto dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda, iyada oo dowladda Koonfur Afrika waxka qaban la’dahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.