Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane oo ay wehSheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)eliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka islamarlaana ku sugan dalka Netherlands ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi,waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Danjire Yuunis Yaasiin Xaashi oo ah Safiirka Soomaaliya Benelux iyo Midowga Yurub.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherland ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyey magalada The Hague ee Netherland iyagoona uga warbixiyey nolosha Soomaalida halkaasi ku nool iyo xaaladaha guud ay ku sugan yihiin.
Gabagabada kulanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyey madasha waxa uu Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada The Hague uga warbixiyay safarkiisa iyo xaalada guud ee dalka isla markaana u sheegay in dalka uu ka socdo kacdoon dadweyne oo lagu cirib tiraayo Kooxaha khawaarjiita ah ee Al shabaab sidoo kale waxaa uu xusay in dalka ay ka jiraan abaaro ba’an oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada,isagoo ugu baaqay Jaaliyada reer Netherland in ay kaalin mug leh ka qaataan u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.