Home Afsomali Goobo Ganacsi ay Soomaali leeyihiin oo lagu boobay Koonfur Afrika

Goobo Ganacsi ay Soomaali leeyihiin oo lagu boobay Koonfur Afrika

 

Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa  weerartay mid ka mid Dukaamada Soomaalida ay ku leeyihiin Magaalada  Pretoria ee dalkaasi koonfur Afrika, iyaga oo u geystay boob xoogan, sida ay xaqiiijiyeen dad ku sugannhalkaas.

Kooxaha Burcadda ah oo gaarayay ilaa Saddex ayaa ku ubeysnaa Bustoolado, waxaana ka hor boobka la sheegay inay rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa Goobaha Ganacsi balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

Mid kamid ah Soomaalida kunool Magaalada Pretoria ee dalka koonfur Afrika ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta lagu riday Goobaha ganacsi oo ay ka Shaqeeynayeen dhalinyarada Soomaalida ah, basle aysan jirin cid u gurmatay.

Waxaa uu sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay inta badan qaateen Agabkii iyo lacag taallay Goobaha Ganacsi, halka Goobaha qaar ay urburiyeen agabkii yaallay, balse aysan jirin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay weerarakaas.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay Soomaalida soo wajahday cabsi xoogan maadaama maalmihii la soo dhaafay ay kordheyn weerarada uga imaanaya Kooxaha burcadda a ee u dhashay dalkaasi koonfur Afrika.

Muddo todobaad gudahood ah ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay Saddex Dhalinyaro Soomaali ah halka kuwo kale la dhaawacay, waxaana sidoo kale la boobay Goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Soomaalid, iyada oo aysan jirin laamaha Amniga dalkaasi Koonfur Afrika wax ay ka qabteen dhibaatadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.