Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Ku xigeenkaSalah Jama ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda...

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenkaSalah Jama ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminaayey Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Adem Abdelmoula.
Kulanka ayaa looga wada hadlay dardar gelinta dadaallada loogu gurmanaayo dadka abaaruhu saameeyeen iyo hawlaha kale ee gargaar oo meel wanaagsan maraya, sidoo kale waxaa kulanka la iskula eegay xoojinta xiriirka iskaashi ee Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee dhinacyada horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimada.
Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa xusay in ay sii wadi doonaan Isla markaana dardar gelin doonaan hawlaha bini’aadanimada iyo gurmadka Abaaraha iyagoo kaashanaya Hay’adaha Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.