Waxaa habeenkii labaad si sharci darro ah ugu xiran dowladda Federaalka ah ee Somaaliya Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin, kaas oo maalin ka hor laga soo xiray garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde, xilli uu ku wajahnaa Magaalada Nairobi.
Xariga Cabadalla Muumin ayaa Urrurada Saxaafadda & Madaxda Warbaahinta ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah, iyaga oo sheegay in looga gol leeyahay caburinta Wariyeyaaha & Warbaahinta.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Somaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaraddu ay ka warheshay xariga Cabadalla Muumin, balse xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka aa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiri Hay’adda denbi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.
Qaar kamid ah Urrurada Saxaafadda iyo Madaxda Warbaahinta ayaa walaac ka muujiyay xariga, iyaga oo dowladda Soomaaliya si deg deg uag uga dalbaday in xorriyadiisa la siiyo Cabdalla Axmed Muumin Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.