Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay hoteelka weerarka lagu qaaday ee Kismaayo

Wararkii ugu dambeeyay hoteelka weerarka lagu qaaday ee Kismaayo

Ciidammada ammaanka ee magaalda Kismaayo ayaa la dagaalamaya dabley hubeysan oo galay gudaha hoteel Tawakal oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo, waxaana inta badan daga siyaasiyiinta.

Weerarka hoteelka ayaa ku billowday qarax culus oo lagu dhuftay albaabka hore ee hoteelka kadibna rag hubeysan oo la sheegay inay katirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Hotelka.

“Qarax ayaa ka dhacay hotel Tawakal, waxaana la maqlayaa rasaas,” ayuu yiri Maxamed Nuur oo ah kabtanka ka tirsan booliska Kismaayo oo la hadlay Reuters isagoo ku sugan magaalada Kismaayo.

Al Shabaab, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen, isla-markaana ay la eegteen masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo hotelka ku shaqeynayay.

Hotelka Tawakal wuxuu  ka mid yahay hotellada caanka ah ee ammaankoodu uu adag yahay, wuxuuna u dhow yahay hotelka Cascaseey oo sidaan oo kale la weeraray sanadkii 2019-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.