Home Afsomali Putin oo farriin u diray Xi Jinping

Putin oo farriin u diray Xi Jinping

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hambalyeeyay Xi Jinping oo markii saddexaad loo doortay hoggaamiyaha Shiinaha.

Putin wuxuu sheegay in uu ku rajo weyn yahay sidii mar kale loo sii xoojin lahaa xiriirka weyn ee kala dhexeeya Shiinaha, sida laga soo xigtay aqalka Kremlin-ka.

Labada nin ee saaxibada ah ayaa ku kulmay shirkii iskaashiga ah ee ka dhacay dalka Khazakhstan halkaas oo ay ka wada sheegeen in uu dhexmaray kulan looga hadlayay xiriirka labada dal.

Bishii February ayay aheyd markii Shiinaha iyo Ruushka ay ku dhawaaqeen xiriirkooda saaxibtinimo maalmo uun ka hor inta uusan Ruushka ku duulin Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.