Home Afsomali Madaxweyne Axmed Madoobe Oo War Kasoo Saaray Weerarkii Maanta Ka Dhacay Kismaayo

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo War Kasoo Saaray Weerarkii Maanta Ka Dhacay Kismaayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa cambareeyay weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyey.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa tacsi loogu diray dadkii ku dhintay weerarka oo gaarayay 9 ruux, halka kuwa dhaawacmay uu Madaxweynaha u rajeeyay Caafimaad.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa boggaadiyey dhammaan Ciidamada kala duwan ee Jubbbaland ee mudada koobaan kusoo afjaray weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Tawalka oo saacado ay ka dhex-dagaalamayeen rag hubeysan oo galay.

Madaxweynaha ayaa dadka dhintay Alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo, si gaar ahna tacsi ugu diray Ciidamadii ilaa daqiiqadahii u danbeeyay ka shaqeynayey sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayirnaa dhismaha.

“Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadka Soomaaliyeed inay u duceeyaan shuhadada aan maanta ku waynay weerarka hotel Tawakal ayna u diyaar garoobaan sidii AS looga saari lahaa dalka” ayuu yiri MW Axmed Madoobe oo ka hadlaayay qaraxii Kismaayo oo mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.