Hawlgallo guulaystay oo ay iska
kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee
taageera ayaa lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan
Alshabaab, waxaana lagu burburiyay Gaadiid u siday
saanad ciidan iyo walxaha qarxa 48-dii saac ee la soo dhaafay.
Hawlgalladaan waxa ay dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo
Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka
Shabeelaha Dhexe.
Hawlgalka Koowaad waxaa la fuliyay Sabti 22-kii October waxaa lagu
beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo
maleeshiyaad, waxaa lagu dilay 21Al shababa ka tirsan oo ay ku
jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale.
Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm
galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid CaliGaduudd
goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA
waxaana lagu dilay 11 ka tirsan maleeshiyada khawaarijta ah iyadoo
lagu dhaawacay in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.
Hawlgalka seddexaad ugana xoogganaa wuxuu dhacay xalay
9:40pm, 10:25pm, 10:43pm, 12:00am saq-dhexe, waxaana uu ka
dhacay deegaanka Bur-coloow dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo
Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaas oo
farriisan weyn u ahayd argagixisada, waxaa goobta weerarka ku
sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay horjooge Muscab
Cabdulle Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ay ku
soo qaadaan Ciidanka Qaranka iyo xaq u dirirka u taagan kacdoonka
ka dhanka ah.
Weerarada xalay dhacay, midka Koowaad, waxaa lagu beegsaday
gaari weyn oo nuuciisu yahay Biijii oo ay u saarneed rasaas iyo saanad
ciidan oo shabaab lahaayeen halkaas ayaana si guul ah loogu
burburiyay Gaarigaas iyo Agabkii saarnaa.
Weerarka labaad ee isla xalay daqiiqado ka dib dhacay waxaa lagu
beegsaday gaari kale oo Biijii ah oo saarnaayeen walxa qarxaha oo aad
u xoogganaa, waxaana qaraxiisa laga maqlay deegaano fog fog, isaga
oo saameeyay in ka ka badan 1km dhul gaaraya, wuxuu baabi’iyay
dhammaan maleeshiyadii ka ag dhowaa, waxaana meydadkooda la
aqoonsaday 9 kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta iyo
horjoogayaashooda halkaas ku sugnaa, iyadoo intooda badan la
aqoonsan waayay maydadkooda maadaama ay aad u gubteen.
Weerarka afaraad waxaa lagu beegsaday maleeshiyaadkii ka firxaday
weerarada hore ee ka dhacay Bur-coloow kuwaas oo iyaga oo is
uruursanaya la baabi’iyay.
Dawladdu waxeey aaminsantahay in tirada dhimashada ee Khawaarijta
ka soo gaaray hawlgaladaas uu kor u dhaafayo Boqol, waxayna wali
uruursanayaan maydadkooda, iyagoo saaka oo kaliya geeyay
deegaanka Al-kawthar oo u dhaw Aadan-yabaal maydadka 33
Maleeshiyo.
Hawlgalkaan waxaa suura galiyay xog dhameystiran oo ay haysay
Hay’adda sirdoonka iyo Nabad-suggidda Qaranka ee NISA oo
kaashanaysa saaxiibadeena caalamka oo aan uga mahadcelinayno
taageeradooda.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada
caalamka waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyada ee
Al-shabaab, dhalinyarada ay qaldeen waxa ay dowladdu ugu baaqaysa
in ay isi soo dhiibaan si naftooda ay uga badbaadsadaan hawlgalkan
wadajirka ah.