https://youtu.be/3g5oFB54hnQ
Gudomiye Adan Madoobe ayaa sheegay in uu dhamaaday Xiligii Fasaxa Xildhibaanada baarlamaanka ee ha soo shaqo galaano
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay muddo 15 cisho ah oo uu ku kala bixinaayay qaar ka mid ah wadamada Qaarada Yurub.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Adan Adde) waxaana qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo qaar ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan.