Home Afsomali Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa  Saxiixay labo Siyaasad oo...

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa  Saxiixay labo Siyaasad oo ka mid noqonaya Siyaasadaha haga howl-maalmeedka Wasaaradda Gaashaandhigga (DAAWO SAWIRADA)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa  Saxiixay labo Siyaasad oo ka mid noqonaya Siyaasadaha haga howl-maalmeedka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.
Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo wada dar-dargalinta Qorshayaasha iyo Siyaasadaha Hagaya Waaxyaha kala Duwan Ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa Maanta Saxiixay Siyaasadda Jinsiga oo ay Soo diyaarisay Waaxda Xuquuqul insaanka jinsiga iyo ka Hortagga askareynta Caruurta oo kaashaneysa Khubarada iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga , Sidoo kale Waxa uu Saxiixay Siyaasadda dhismaha Ciidanka Police militariya , oo muhiim u ah Dib-u-habeynta iyo Tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya .
Munaasabadii uu Siyaasadahan uu ku Saxiixayay wasiirka Gaashaandhigga XFS , waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Gudiga Madaxac Banaan Ee la dagaalanka Musuqa AVV. Maxamed Xuseen Xaamud , Agasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samatar , agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Saraakiil ka tirsan taliska Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliya ,
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen xaaji ayaa kula dar-daarmay Agaasimaha Waaxeedyada wasaaradda iyo Taliska CXDS Dhaqan galinta Siyaasadahan oo haki doonno howlaha Shaqo Ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga ,
Waxaa kale oo uu tilmaamay in ay ka go’antahay horumarinta aqoonta Shaqaalaha iyo ka shaqeynta Tayeynta iyo dib-u-dhisks CXDS .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.