Home Afsomali Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Madaxweynaha Puntland?

Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Madaxweynaha Puntland?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla soo qaaday qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga iyo gurmadka abaaraha.

Kulanka waxaa ka qaybgalay La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dib U Heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.