Saraakiisha Ciidamada degmada Buurhakaba ayaa Risaala u sheegay in ciidanka Itoobiya ay dileen 3 nin oo shabaab ka tirsan oo miino ku Aasay degaanka Mooda-Moode.
Ku simaha taliyaha Saldhiga Degmada Buurhakaba ayaa Saxaafada u sheegay in Saddexda nin ay miino ku Aaseen wadada u dhexeysa degmooyinka Buurhakaba iyo sidoo kale Magaalada Baydhabo ,islamarkaana ay la kacday kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Itoobiya.
Waxaana uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay qabteen nimankaasi oo isku dayay in ay baxsadaan , islamarkaana ay dileen.
Warbaahinta Al-Shabaab taageerta ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Itoobiya la la eegtay Qarax Miino , islamarkaana ay ku dhinteen saddex Sarkaal oo ka tirsan dowladda Itoobiya.
Ilaa iyo hadda ma jiro ilo ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijinaya sheegashadooda iyo in raga la dilay ay Alshabaab ka tirsanaayeen .
Al-Shabaab ayaa inta badan Miinooyin u dhiga ciidamada dowladda Itoobiya xilliyada ay ku Safraayaan wadooyinka.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0