Home Afsomali Raiisal wasaare Kheyre ayaa Baarlamaanka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga...

Raiisal wasaare Kheyre ayaa Baarlamaanka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhex

37
0

Ra-’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xildhibaanada golaha shacabka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe oo horey golaha Wasiirada u meel mariyeen.

Xeerkan uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa wax ka bedelaya xeerar horey ugu yaalay sharciga Bangiga Dhaxe, waxa uuna Kheyre ka dalbaday Xildhibaanada in dib u eegis lagu sameeyo qodobada qaar.

Xildhibaanada golaha shacabka hadii ay ansixiyaan xeerkan horey usoo meel mariyeen golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa ogolaan doona in Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya madax ka noqdo ruux ajnabi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here