Home Afsomali Dhageyso Ciidamo ka baxay Baardheere 2 sano ka dib

Dhageyso Ciidamo ka baxay Baardheere 2 sano ka dib

warar xalay ilaa saakay ka imaanayay degmaa Baardheere ee gobalka gado oo ay warbaahinta Soomaalida siyaabo kala Duwan u baahisay kaas oo ku aadanaa in Ciidamada AMISOM ee Kenya ka baxeen Baardheere.

Taliyaha Ururka49-aad  Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya Faarax Maxamed Turbac ayaa  Xaqiijiyayin Ciidamadii Maamulka Jubbaland ee Daraawiishta iyo kuwa Kenya ay baneeyeen Guud ahaan degmadaasi waxaana degmada ku sugan Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Ethiopia oo mar danbe soo gaaray degmadaasi.

Taliye Turbac ayaa sheegay in aan lagu soo wargilin bixitaanka Ciidanka Jubabland iyo Kuwa Kenya balse ay arkeen oo kaliya Ciidankii oo baneeyay Saldhigyadii ay ka daganaayeen Baardheere.

Goobihii ay ciidanka Baneeyeen ayaa waxaa la wareegay Ciidanka Xoogga Soomaaliya waxaana sidoo kale soo gaaray Ciidan kale oo dheeraad ah oo ka socda Ethiopia kuwaas oo markii hore ku yaraa Baardheere.

Warbaahinta Soomaalida qaarkood ayaa sheegay in Ciidamadii Kenya ay ka baxeen Baardheere magaaladana ay tahay mid banaan balse wararka xaqiiqda ah ee gobalka ayaa sheegay in Ciidamadii Jubbaland iyo kuwii Kenya ay baneeyeen Islamarkaana ay amaanka magaalada sugayaan CXS oo garab ka helaya Ciidanka Ethiopia.

Ciidamadii ka baxay Baardheere ayaa u ruqaansaday dhinaca Xadduuda Soomaaliya ay

la wadaagto Dalka Kenya.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga Taliyaha 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.