Home Afsomali Muxuu daaran yahay safarka Xasan sheikh ee dalka Ereteriya.?

Muxuu daaran yahay safarka Xasan sheikh ee dalka Ereteriya.?

https://youtu.be/GqEtMwjIDH8

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa goordhaw safar shaqo ugu amba-baxay magaalada Muqdisho, iyagoo u duulay dalka Ereteriya.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha mudnaan siinayo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Eritrea iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah  Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah ito arrinta ciidamada .

Dalka Eritrea  waxaa ku sugan kumanaan askari oo dalkaasi tababar ugu qaaday dowladii hore ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana horey loo sheegay in askartaasi qaarkood ku dhinteen dagaala ka socda Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey safar ugu tagay dalka Eritrea ayaa sheegay in ciidanka dalkaasi ku sugan dalka lagu soo celinayo, mana jirto ififaalo ilaa hadda muujinaya in ciidankaasi dalka dhawwaan lagu soo celinayio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.