Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idiris Faarax Habane.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idiris Faarax Habane.

https://youtu.be/J4C_A_AvPKs

 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idiris Faarax Habane

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee dalka Djibouti uu ku joogo, ayaa maanta booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idiris Faarax Habane ee Djibouti ay ku tababarto ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Mudane Xamse Cabdi Barre oo xarunta tababarka ugu tegay ciidan iyo saraakiil Booliis ah oo tababar ku qaadayana iyo macallimiinta tabarka siinaya, ayaa saraakiisha iyo ciidanka tababarka qaadanaya kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan fursaddaan dahabiga ah, ayna tababarka si wanaagsan u qaataan si cilmiga ay bartaan ay ugu isticmaalaan sugista amiga dalkeenna.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Djibouti uga mahad celiyay tababarrada joogtada ah ee ay ciidamadeenna booliiska siiyaan, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada ay Djibouti uga qeyb qaadaneyso xasillinta dalka iyo sare u qaadidda bed-qabka mawaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Djibouti oo dib-u-yagleelidda dowladnimadeenna udub dhexaad u aheyd, taageera dhinca waliba ahna la garab taagan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ciidamado hiil walaalna ay ka joogaan dalka ayaa qeyb ka ah dalalka sida joogtada ah ciidamada ugu tababara dalkeenna Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.