Home Afsomali Kooxo hubeysan oo wiil iyo Aabihiis ku dilay Galgaduud

Kooxo hubeysan oo wiil iyo Aabihiis ku dilay Galgaduud

Allaha u naxariisto Sh Cisman Axmed Geedi iyo wiilkiisa ayaa xalay lagu dilay aaga deeganka Dhisaq Shurufle ee gobolka Galgaduud.

Wararka waxay sheegayaan in Shiikha iyo wiilkiisa la dilay xilli ay salaad ku jireen.

Kooxihii dilka geystay ayaa iskaga baxday halka ay ku dileen Sheekh iyo wiilkiisa sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Galmudug.

Wali laguma guuleysan in kooxihii dilka geystay gacanta lagu soo dhigo.

Sh Cisman ayaa horey u soo noqday gudoomiyaha Maxkamada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.