https://youtu.be/IJgAIu0TdXY
MADAWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO MAANTA SI RASMI AH U FURAY KALFADHIGA LABAAD EE BAARLAMAANKA JFS
Muqdisho, November 15,2022: Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Munaasabad ka dhacday Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo ku-xigeennadiisa.
Furitaanka kalfadhiga labaad ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo labadiisa ku-xigeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre iyo guddoomiyeyaasha golaha wakiiladda dowlad goboleedyadda dalka oo iyagana lagu casuumay munaasabadda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal ka jeediyay munaasabdda furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka labada aqal ayuu xildhibaannada hortooda uga warbixiyay safaradii u u ku tagay dalalka Luxemburg, Austria, Belgium iyo Netherlands, oo ka tirsan qaarada Yurub. Isagoo sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay guddoomiyeyaasha baarlamannada wadamadaasi. Kullamadaasi oo dhammaantooda looga hadlay xirirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo midka dalalkaas, sidii la isaga kaashan lahaa aqoon kororsiga xildhibaannada iyo howlwadeennada ka tirsan Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay kalfadhigii kowaad waxyaabhii u qabsoomay oo ay ugu waaweynaayeen doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyo Kalsooni siinta Ra”iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn furay islamarkaana soo xiray kullanka maanta ayaa khudbadiisa ku faafaahiyay dagaalka lagula jiro argagaxisada isagoo boggaadiyay Ciidanka Qaranka, mas’uuliyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka iyo cidkasta oo qeyb weyn ka qaadatay la dagaalanka argagaxisada. Waxaana uu Baarlamaanka uu u soo jeediyay Madaxweynaha in Xukuumadda loo fududeeyo ansixinta shuruucda wax galka u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.