Home Afsomali khilaafkii Guddoomiyaha G/Gedo & Taliyaha NISA oo Ethiopia Xal ka gaartay

khilaafkii Guddoomiyaha G/Gedo & Taliyaha NISA oo Ethiopia Xal ka gaartay

Kadib wadahadallo ka dhacay degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu heshiisiiyay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed & Taliyaha Nabadsugida Gobolkaas Bakaal Kooke.

 

Khilaafka oo salka ku haayay lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado degmada Dooloow iyo degaannada kale, waxaana labada mas’uul soo farageliyay oo khilaafkooda xalìyay Saraakiil katirsan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Dooloow ee Gobolka Gedo.

 

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in la dhameeyay khilaafkii uu dhaxeeyay isaga iyo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Bakaal Kooke, isla markaana Shaqadii Maamulka ay si caadi ah u socdaan.

 

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay in la helo Maamul Jubbaland oo xor ah iyo inay meesha ka saaraan Madaxda Maamulka Jubbaland ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa aad loo hadal haayay khilaafka u dhaxeeyay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed & Taliyaha Nabadsugida Gobolkaas Bakaal Kooke, hayeeshee ugu dambeyn xal laga gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.