https://youtu.be/ItkwqWW2k3g
Wasiirrada arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD ayaa aqbalay codsi uu jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer saaran.
Wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa ka sheegay shirka 48-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo maanta ka dhacay Khartoum in cunaqabataynta hubku caqabad ku tahay qorshaha dowladdiisa ee ah Soomaaliya Nabadgelyo ah oo Xasiloon, wuxuuna ka codsaday inay IGAD garab istaag buuxa siiso qorshaha dowladda Soomaaliya ee Golaha ammaanka mar kale lagaga codsanayo in laga qaado cunaqabataynta hubka.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kaashanaysa ururrada ay xubinta ka tahay Soomaaliya sida IGAD, midowga Afrika iyo kuwo kale si loogu guulaysto qorshaha dowladda ee ah in la qaado cunaqabataynta hubka.