Home Afsomali Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday 8 eedeysane

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday 8 eedeysane

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Koox loo haystay Argagixisanimo, waxa ay kawada shaqeeyeen Dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.

Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Jidmariixaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahalanaatay Ciidamada aan Muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.

Todobaad kadib Maanta ayay Maxkamadda ku kala Xukuntay :-

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku  Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkan.

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

3-4 Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka

Caddow Axmed Calasow – 8 sano Xabsi Ciidan ah

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah.

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-8 Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, waxa ayna u celisay Xorriyadooda 

https://youtu.be/6ruH71eBgNE

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.