Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo laba sano gudahood ah ay guud ahaan dooneyso in dalka looga saaro Ururka Al-Shabaab oo muddo badan dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.
La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee la dagaalanka Al-Shabaab uu yahay in dalka looga xorreeyo muddo laba sano gudahood ah.
Wuxuu sheegay awoodda iyo jiritaanka Alshabaab inuu ku yimid ducfi dowladda ah iyo go’aan xumo ay ahayd in la wajaho. Wuxuu sheegay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed inay hadda isaga filan yihiin dagaalka Alshabaab.
Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa iyada oo bilo yar jirta billaawday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo abaabushay beelaha Soomaaliyeed, waxaana ay ku guuleysatay in degaano badan lagala wareego Al-Shabaab.