Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka furmay Magaalada Tripoli ee dalka Libya iyadoo Shirkaas uu Dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac.
Wasiir Daa’uud ayaa Shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka si gaar ah guulaha laga gaaray dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Ururka Al-Shabab., kaas oo intiisa badan ka dhacay Gobolada dalka.
“Dagaalkaas najaxay ee guulaha laga gaaray waxaa ay Soomaaliya ku wajahdey saddex dhinac oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah; milateriga, xanibaadda dhaqaalaha la siiyo Al-Shabaab iyo dhanka ay doloojiyadda ama fikirka ”, ayuu yiri Wasiir Aweys.
Wasiirka ayaa shirka u sheegay in warbaahinta Soomaaliya ay kaalin buuxda ka qaadaneyso dagaalka dhanka aydoloojiyadda (Fikirka) ee Al-Shabaab looga soo horjeedo.
Dhanka kale Magaalada Tripoli ee dalka Libya oo shirka marti galisay ayaa sannadkaan loo aqoonsaday inay tahay caasimadda warbaahinta waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, iyada oo Wasiir Daauud Aweys Jaamac uu la kulmi doono qaar kamid ah Wasiirada ka qyeb galaya shirkaas.