Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay ee sirka Golaha Wadatashiga Qaran

Wararkii ugu dambeeyay ee sirka Golaha Wadatashiga Qaran

Waxaa Magaalada muqdisho ka socda diyaar garoowgii ugu dabeeyay ee ku aadan qabsoomida shirka Golaha wadatashiga Qaran ee ka kooban madaxda sare ee dalka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka oo horay madaxda Golaha wadatashiga Qaran u iclaamiyeen ayaa u muuqda in Maanta uu dib u dhacayo sababo la xiriira inta badan madaxda dowlad Goboleedyada oo ka maqan magaalada Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kaliya magaalada muqdisho ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed, isla markaana Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ay saacadaha soo socda kusoo wajahan yihiin Muqdisho.

Shirka Golaha wadatashiga ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin, Amniga, sida howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka & sidoo loo dardar gelin lahaa, qeybsiga kheyraadka dalka iyo Arrimaha Abaaraha.

Maalmaha uu shirka socdo ayaa Madaxda ay ka diidi doonaan arrimaah Amniga, qeybsiga kheyraadka iyo abaraha, iyaga oo ugu dambeyn madaxda shirka kasoo saari doonaan Warmurtiyeed ay uga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.