Home Afsomali Kalluumeysato 8 sano lagu haystay Soomaaliya oo la sii daayey

Kalluumeysato 8 sano lagu haystay Soomaaliya oo la sii daayey

14 Kalluumeysato u dhashay dalka Iran ayaa la sii daayey, kadib, markii Wada-xaajood muddo dheer socday laga galay sidii loo sii dayn lahaa Kalluumeysatadaasi oo sanadkii 2014kii laga qabtay iyagoo ka jillaabanaya Xeebaha Somalia.

Kalluumeysatadaasi waxay dhamaantooda ka soo jeedaan magaalladda Chabar ee ku taalla Koonfurta dalka Iran.

Wakaalladda Wararka Iran ee Tasnim News Agency oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qortay in Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran, Xuseen Karaabi ee Gobalka Jabahar Alxura ee dalkaasi uu sheegay in dadaalka lagu sii daayey Kalluumeysatadaasi uu muddo dheer u socday Safaarada Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran ku leedahay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, Mas’uuliyiin Dowladeed iyo Madaxda Odayaasha Dhaqanka, was sida uu Hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray in Kalluumeysatada Iran lagu wado inay Caawa oo Axad ah ka degaan Garoonka Caalamiga ee Imam Al-Khumeyni Airport ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Tehran.

Kalluumeysatada waxaa la sheegay inay soo qaaday mid ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha, kadib, markii ay Kalluumeysatadaasi ka ambabaxeen magaalladda Muqdisho.

https://youtu.be/oK6w9HXchUI

https://youtu.be/3LHCW4fgkX8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.