Dabley bastoolada soo qarsatay ayaa fal dib ah ka geystay deegaanka ceelasha biyaha
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in goordhaweyd lagu dilay deegaanka ceelasha biyaha Nabadoon cabdulaahi kaba weyne oo ka mid ah ergadii xildhibaanada kaga soo doortay maamulka galmudug .
Dableydii geysatay falka dilka ah ayaa goobta isaga baxsatay mana jirto cidloo qabtay
Weli ciidamada amanaka ee dowlada wax war ah kama soo saarin mana jirto cid sheegatay in ay toogashada ka danbeynsay
Wararka inaga soo gaaraya Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Sanca ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow oo caawa ah halkaasi lagu dilay Nin ka tirsanaa Maamulka Degmadaasi.
Dadka Degaanka ayaa Saxaafada u sheegay Ninka la dilay magaciisa in uu ahaa Macalin Shabeelow oo ka tirsanaa Guddoomiye waaxeedyada DegmadaYaaqshiid.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Macalin Shabeelow, waxaana dilka kadib ay ka baxsadeen goobta, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.
Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay iyo raadinta raggii dilka geystay.
Goobjooge halkaasi ku sugan ayaa sidoo kale Risaala u sheegay Ciidanka ammaanka in ay isku geedaamiyeen xaafadaha ay Degmadaasi ka kooban tahay, gaar ahaan goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay wadaan Howlgallo.
Maalmahan Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaasi oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Askarta.
Dilalka qorsheysan ee Noocaan oo akel ah ayaa noqday kuwa soo noqnoqda ee habeenka xaafad ay qeylo ka yeerto mana muuqato in ay joogsan doonto iyo cid xal waara ka gaartay.
https://youtu.be/Z7mcG4NESDM
https://youtu.be/m5Lma7tiNc8
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0