Home Afsomali Maalinkale oo Madow ayey U Tahay Shacabka Ku Nool Magaalada Laascaanood ee...

Maalinkale oo Madow ayey U Tahay Shacabka Ku Nool Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ciidamada Soomaaliland ayaana Halkaasi Ka Wado Xasuuq.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka socdo barakac xooggan oo ay sameeynayaan Bulshada Magaalada.

Dadka oo ka cabsi qaba inay Magaalada ku dagaalamaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland sidoo kalena ay saameeyaan bannaanbaxyada rabshadaha wata ayaa u barakacay dhinacyada Bariga iyo howdka Magaalada.

Dhinaca kale dhammaan waddooyinla soo gala iyo kuwa looga baxo Magaalada laas-caaniid syaa waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan oo katirsan Millateriga Somaliland, kuwaas oo dadka qaxaya u diidaya inay Magaalada ka baxaan.

Maamulka Somaliland ayaa jaray Khadka Internet-ka ee Magaalada laas-caanood, halka meelaha qaar Korontadii laga demiyay, iyada oo dadki ay ku adag tahay inay bannaanka u soo baxaan.

Maalintii Sagaalaad oo xiriir ah ayaa xaalad kacsanaan ah ay kajirtaa Magaalada laas-caanood, waxaana intii bannaanbaxyada ay socdeen dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.