Home Afsomali Maraykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Shixnad Hub Ah Oo Ay Ku Jiraan...

Maraykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Shixnad Hub Ah Oo Ay Ku Jiraan Kumanaan Qoryaha Fud Fudud Ah

Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda dalka Maraykanka ayaa sheegay inay qabteen Dooni nooca Kalluumeysiga oo lagu soo raray Shixnad Kumanaan Qoryaha Fudud ee AK47.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in 3 Markan Dagaal oo ay Ciiddanka badda Maraykanka lahaayeen ay bishan 7-dii qabteen Doonidaasi oo ka timid dalka Iran,  kuna wajahnayd dalka Yemen.

Doonida la qabtay oo ay la socdeen 6 qof oo u dhashay Yemen ayaa waxay  waday 2,116 xabbo oo Qoryaha AK 47.

Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda ee Maraykanka waxay kaloo sheegeen in Doonidaasi lagu qabtay Marin Taariikhi ah oo ay adeegsadaan Shixnadaha sharci-darada ee u socda Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen

Taliyaha Taliska Dhexe ee Mariniska Maraykanka,  Admiral Brad Cooper waxa uu tilmaamay in Shixnadda Hubka ee la qabtay qeyb ka tahay hawlaha socda ee ay Iran ku abuurayso Deganaansho La’aanta ee Gobalka, waa sida uu Hadalka u yiri.

Ma aha markii u horeysay ee ay Ciiddanka Badda Maraykanka ay qabtaan Shixnado hub ah oo ku wajahan Xeebaha dalka Yemen.

Bilowgii bishii December ee sanadkii hore ee 2022-kii, waxay Ciiddanka Maraykanka sheegeen inay qabteen Dooni tahriibinaysay in ka badan 50 tan oo hub isugu jiray rasaas, Fiyuusyo Qarxiyayaal ah iyo Qalabka laga gano Madaafiicda.

Si kastaba ha ahaatee,  Ciiddanka Badda Maraykanka waxay ku doodaan inay Kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto ay ku xad-gudbaan Qaraarkii Golaha Amaanka ee QM ee Tirsigiisu ahaa 2216 ee lagu mamnuucay in Xuutiyiinta Hub laga iibiyo ama loo gudbiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.