Home Afsomali Booliska oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysaneysay

Booliska oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysaneysay

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta soo qabtay koox hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen burcad dadka ku dhaceysay xaafado katirsan degmadaas kadib cabasho uga timid Shacabka.

Kooxda oo ka kooban Afar Rag ah ayaa watay qoryo  AK 47 ah, waxaana War kasoo baxay booliska Magacyada raggaas lagu kala sheegay

1-Maxamed Cabdi Axmed.

2-Maxamed Xasan Cumar.

3-Axmed Maxamed Maxamuud.

4- Cilmi Xaaji Hilowle.

Shacabka degmadaas ayaa ciidanka ku gacan siiyey in lasoo qabto raggaan dhaca geysanayey, Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in kooxdaan la hor geyn doono cadaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.