Home Afsomali Sergei Lavrov Oo Markii Ugu Horreysay Booqday Koofur Afrika Tan Iyo Markii...

Sergei Lavrov Oo Markii Ugu Horreysay Booqday Koofur Afrika Tan Iyo Markii Uu Billaday Dagaalka Ukraine

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa markii ugu horreysay booqday dalka Koonfur Afrika tan iyo markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, Koonfur Afrika wey ka gaabsatay inay dhaleeceyso tallaabada Ruushka.

Ruushka wuxuu xiriir taariikhi ah la leeyahay xukuumadda Pretoria, Mr Lavrov ayaa lagu wadaa in uu wadahadallo la yeesho dhiggiisa Koonfur Afrika, Naledi Pandor.

Waxaa la qorsheeyay dibadbaxyo looga soo horjeedo Ruushka in lagu qabto afaafka hore ee dhismaha wadahadallada lagu qabanayo.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa baahisay sawirrada iyo muuqaal ku saabsan booqashada wasiirk arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov uu ku tagay Pretoria waxaana soo dhaweysay wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Afrika, Naeldi Pandor.

Ruushka waxaa xiriirka u jaray dalalka Reer Galbeedka kadib duulaankii uu ku qaaday Ukraine, inkasta uu jiro cadaadis ah in la dhaleeceeyo duullaanka Ruushka, Koonfur Afrika dhexdhexaad ayay ka tahay xaaladda-taasoo oo niyad jab ku ah Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.